WARARKA SOOMAALI

Israel oo Maanta Qarxisay Guri uu lahaa Mas’uul sare oo ka tirsan XAMAAS

Milliteriga Israel ayaa waxay maanta oo Talaado ah burburiyeen Guriga  Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasada ee Xarakada Islaamiga ee XAMAAS, Saalax Al-Caroori.

Warbaahinta Falastiin ayaa waxay sheegeen inay Milliteriga Israel xoog ku galeen Degmada Caroorat  ee W/Galbeed ee magaalladda Ramallah.

Mas’uulka Saalax Al-Caroori ayaa waxa uu Arbacadii hore Caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut Kulan Saddex Geesood ah la yeeshay Hoggaamiyaha Ururka Xisbullaahi Lubnaan,  Sheekh Xasan Nasrullaahi iyo Xoghayaha Guud ee Xarakada Islaamiga ee Jihad Islamic,  Ziyaad  Naqaslat (زياد نخالة).

Maamulka Israel waxay horey u sheegeen inay beegsan doonan  Dagaalamayaasha iyo Madaxda Ururka XAMAAS ee ka qeyb galay Hawlgalkii bishan October 7-dii lagu qaaday gudaha Israel.

Israel oo Maanta Qarxisay Guri uu lahaa Mas’uul sare oo ka tirsan XAMAAS
To Top