WARARKA SOOMAALI

Madaxda Dowladda Federaalka iyo D/Goboleedyada oo shir uga furmaya Baydhabo

Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu wadaa in 14 bishan ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo ay ka qeyb galayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul gobolleedyada dalka.

Shirka ayaa sida uu qorshahu yahay looga hadli doonaa dhammeystirka nidaamka federaalka iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Abuukar Subeyr ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furey shir hordhac u ah Ajendayaasha Madashada Wadatashiga Qaranka oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedka, Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay gaaraan magaalada Baydhabo, sidoo kale waxaa halkaas kusii jeeda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo D/Goboleedyada oo shir uga furmaya Baydhabo
To Top