WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne hore Farmaajo?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore ee dalka, dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee Alshabaab lagu cirib tirayo.

Farmaajo ayaa dhankiisa boggaadiyay dadaalada ay dowladda wado gaar ahaan xureynta deegaannada Al-Shabaab maamulaan, waxa uuna sheegay in uu garab taagan yahay dowladda kuna boggaadinayo dadaalada ay wado.

Waa kulankii ugu horreeyay ee foolka fool ah oo ay yeeshay labada Madaxweyne, kadib markii uu Farmaajo baneeyay talada dalka, xilkana uu ku wareejiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, kadib doorashadii ka dhacay Muqdisho 15-kii May 2022.

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne hore Farmaajo?
To Top