WARARKA SOOMAALI

Sweden oo wada-hadallo cusub la bilaabeysa Turkiga, si NATO ugu biirto

Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden, Ulf Kristersson ayaa waxaa shaaciyey inuu doonayo in dib loo bilaabo wada-xaajoodkaasi, si ay Turkiye ugala hadlaan Hanka Sweden ee Xubinnimada Isbahaysiga NATO.

RW Sweden oo la hadlay Suxufiyiinta ayaa waxa uu sheegay inuu shaqsi ahaan doonayo in lagu laabo wada-hadalkaasi, wuxuuna tilmaamay inay jiraan dad doonaysa inay carqaladeeyaan Xiriirada ay Sweden la leedahay dalalka kale iyo inay fashiliyaan Codsiga Sweden ee ku biirista Isbahaysiga Maraykanka hoggaamiyo ee NATO.

Hadalkiisa ayaa soo baxay  kadib, markii uu Madaxweynaha Turkiye,  Rajab Dayib Erdoğan si cad u sheegay in la laalay Qorshihii at ku taageeri lahaayeen Xubinnimada Sweden ee Isbahaysiga NATO.

Tallaabadaasi ayaa timid, kadib, markii uu Hoggaamiyaha Xag-jirka ee Rasmus Paludan uu Sabtidii la soo dhaafay ku gubay Nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka meel u dhow Dhismaha Safaarada Turkish ee ku taalla Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm.

Sweden oo wada-hadallo cusub la bilaabeysa Turkiga, si NATO ugu biirto
To Top