WARARKA SOOMAALI

MW Xasan Sheekh oo ka Warbixiyey guulaha laga gaaray Dagaaladii Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga warbixiyay guulaha laga gaaray 7-dii bilood ee lasoo dhaafay halganka dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guul ballaaran laga gaaray dagaalka dalka looga xorreynayo Al-shabaab, isla markaasna Shacabka Soomaaliyeed u istaageen dib u xorreynta dalka.

“Hiigsiga sanadka 2023 oo noqon doona sanadkii dalka xoroobi lahaa dowladdana ay u jihaysan laheyd adeeg iyo waxqabad” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu socdo qorshaha ay Dowladda Soomaaliyeed kula wareegeyso guud ahaan Amniga dalka ugu dambeyn bisha Decembar sannadka 2024, isla markaasna dalka uga bixayaan Ciidamada Howlgalka ATMIS.

Madaxweynaha oo ka hadlay Arrimaha Dhaqaalaha ayaa sheegay in la filayo sannadkan 2023 dhexdiisa in dhammaan Dowladda laga cafiyo deymaha lagu leeyahay. Sidoo kale Mudane Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sannadkan la filayo in la oggolaado Xubinimada Soomaaliya ee Suuqa Bariga Afrika, taasi fursad u ah Ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran diirada lagu saaray Arrimaha Dastuurka iyo qeybsiga Awoodaha, isla markaasna xoogga la saari doono dhammeystirka Dastuurka.

MW Xasan Sheekh oo ka Warbixiyey guulaha laga gaaray Dagaaladii Al-shabaab
To Top