WARARKA SOOMAALI

AKHRISO: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Wasiiro cusub magacaabay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay xilka qaadis ku sameeyay xubno ka tirsanaa Golihiisa Wasiirada, isagoona magacaabay Wasiiro cusub oo bedelaya xubnahaas.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Digreero uu xafiiskiisa kasoo saaray waxaa uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed ugu magacaabay inuu noqdo Cabdifitaax Cali Yuusuf oo bedelaya Wasiirkii hore ee Warfaafinta Ilyaas Cali Nuur oo is casilay.

Wasiiru-dowladaha Wasaaradda gudaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Aadan, halka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Maamulkaas laga dhigay Cumar Cabdiraxmaan Maxamed.

Ilyaas Cali ayaa isku casilay sababo la xiriira dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, wuxuuna Wasiirkii hore ee Wasaaradda Koonfur Galbeed uu Madaxweyne Lafta-gareen ku eedeeyay inuu ballan ka bax uu ku sameeyay.

 

AKHRISO: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Wasiiro cusub magacaabay
To Top