WARARKA SOOMAALI

Booliska Somaliland oo gacanta kusoo dhigay Nin ka geystay Magaalada Hargeysa

Ciidanka ammaanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa habeenimadii xalay gacanta ku soo dhigay Eedaysane lagu magacaabo Ifsa Axmed Shariif oo ku Eedaysan in uu dilay  Marxuum Aamiin Siciid Sidiiq, kaasi oo da’diidu aheyd 22 –sanno jir.

Eedaysanahan oo ka soo jeeda qoomiyada Oromada ayaa ku eedaysan inuu Marxuumka dilkiisa u adeegsaday Feer oo uu jilib ugu dhuftay, waxaana falkaas uu ka dhacay gudaha hotelka guuleed oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Ciidanka Booliska ayaa markii lagu soo war galiyey Dhacdada dilkaasi bilaabay howlgalo lagu raadinayay qofkii ka dambeeyay falka, iyagoona saacado Gudahood ku soo qabteen Eedaysanaha oo goobtii uu dilka ka gaystay ka baxsaday.

“Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta  oo isku day amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Taliska ciidmada Booliska Somaliland.

Taliska Booliska Somaliland ayaa shacabka kunool deegaanadooda ku boggaadiyay wadashaqeynta kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan, habeeno kahor ayey aheyd markii Booliska Somaliland gacanta kusoo dhigeen Nin dil ka geystay magaalada Hargeysa.

Booliska Somaliland oo gacanta kusoo dhigay Nin ka geystay Magaalada Hargeysa
To Top