WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Somaliland oo Dadkii ugu badnaa saaka xir-xirtay, kadib markii…

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Gobolka Saaxil gaar ahaan xabsiga Mandheera oo ku yaalla Gobolkaas ku xir-xigay dadweyne farabadan, kuwaasi oo laga soo qabtay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ee Somaliland.

Dadka saaka lagu xiray xabsiga Mandheera ayaa gaaraya ku dhawaad 60 qof, oo lagu eedeeyay inay ka qeyb ahaayeen banaanbaxyo rabshado watay oo habeen hore ka dhacay magaalada Burco oo looga soo horjeeday Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Booliska Somaliland dadka la xiray ayaa isugu jira dhallinyaro iyo Haween taageero u ah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, isla markaana banaanbaxyo rabashato watay ka dhigay Burco.

Wadooyinka Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland ayaa lasoo dhoobay Ciidamo farabadan, waxaana jirta cabsi ku aaddan in ay dhacaan isku dhacyo u dhexeeya shacabka taageersan Xisbiyada Mucaaradka iyo Ciidanka daacadda u ah Muuse Biixi.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo habeen hore Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland ku dhawaaqeen in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aysan Madaxweyne u aqoonsaneynin, oo muddo xileedkiisa dhammaaday, kuna ekaa 13-kii November 2022.

DEG DEG: Somaliland oo Dadkii ugu badnaa saaka xir-xirtay, kadib markii…
To Top