WARARKA SOOMAALI

Kuuriyada Waqooyi oo Gantaallo ku riday Kuuriyada Koonfureed

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap, Kuuriyada Waqooyi ayaa subaxnimadii hore ee shalay laba Gantaal oo nooca loo yaqaano Cruise-ka ka soo ridday xeebaha galbeed ee dalkasi.

Ilo-wareedyo ka tirsan Millateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Gantaaladan laga soo riday magaalada xeebeedka Oncheon.

Sidokale Wasaaradda Gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in Pyongyang, ay laba Gantaal oo nooca Cruise-ka ah ku soo ridday, kuwaasi oo laga soo ganay magaalada Oncheon ee Koonfurta Pyongyang.

Xukuumadda Seoul, ayanan bixin wax faafaahin ah oo ku saabsan waxyeelada ay geeysteen Gantaalada.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Seok-yeol ayaa dhawaan sheegay in dalkiisu aanu doonayn isbeddel qasab ah oo ka dhaca Kuuriyada Waqooyi, isla markaana wada-hadallada lala yeelanayo Kuuriyada Waqooyi aysan noqonin muuqaal siyaasadeed.

Kuuriyada Waqooyi oo Gantaallo ku riday Kuuriyada Koonfureed
To Top