WARARKA SOOMAALI

Antonio Guterres oo soo dhaweeyay Doorashadii uu kusoo baxay Xasan Sheekh

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhoweeyay doorashadii ka dhacday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho halkaas oo lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xoghayaha Guud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay, isaga oo ku bogaadiyey Madaxweynaha xilka ka degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu si degdeg ah u aqbalay natiijada doorashada.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa rajo ka muujiyay in Madaxweynaha cusub uu si deg deg ah ugu dhaqaaqi doono soo dhisidda Gole Wasiiro oo loo wada dhan yahay, isla markaana ay Dowladda cusub ee uu soo dhiso iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalku ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan sidii loo horumarin lahaa arrimaha muhiimka ah ee Qaranka iyo caqabadaha horyaala.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin kahor loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu Xasan noqday Madaxweynihii labaad ee mar labaad loo doortay xilka Madaxweynaha.

Antonio Guterres oo soo dhaweeyay Doorashadii uu kusoo baxay Xasan Sheekh
To Top