WARARKA SOOMAALI

Maleeshiyo hubeysan oo la wareegay xaafado ka tirsan Baladweyne iyo wararkii ugu…

Ciidamo hubeysan oo daacad u ah Golaha kacdoonka Gobolka Hiiraan ee diidan Maamulka Hirshabeelle ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Guudlaawe ayaa la wareegay qeybo kamid ah Magaalada Baladweyne.

Maleeshiyaadka hubeysan ee qabsaday Baladweyne ayaa wata gaadiidka dagaalka ee Cabdi bilaha oo ay ku rakiban yihiin qoryo waaweyn iyo hub culus, iyagoona lagu arkayo gudaha Magaalada.

Waxaa fashilmay isku day lagu doonayay in isku day lagu doonayay in Baladweyne oo ah Xarunta Gobolka Hiiraan lagu geeyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo qaban-qaabada soo dhaweynta laga qorsheeynayey halkaas.

Dhowr jeer oo hore waxaa sidan oo kale ku guul dareestay qorshe xoog iyo xeelad isugu jira oo lagu doonayay in Magaalada Baladweyne ku tego Madaxweyne Guudlaawe oo tan iyo markii la doortay tegin Magaaladaas.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid kacsan, isla markaana dadka ay dareemayaan cabsi inuu dagaal dhaco.

Maleeshiyo hubeysan oo la wareegay xaafado ka tirsan Baladweyne iyo wararkii ugu…
To Top