WARARKA SOOMAALI

AKHRI:-Madaxdii hore ee Puntland oo ka horyimid Go’aankii Isimada ee xal raadinta

Madaxwayneyaashii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroowe iyo C/wali Gaas iyo weliba Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa bayaan ay wadajir u soo saareen iskaga fogeeyay qoraalka Isimadii 5-ta ahaa kasoo saareen xalka xiisadda hay’adda PSF ee ka taagneyd Boosaaso.

Waxay qoraalkooda ku sheegeen in go’aanka isimada aan iyaga lagala tashan, waxbana aysan kala socon, kuna arkeen baraha bulshada, waxayna xuseen in go’aanka ka soo baxay isimada uusan xal u noqon karin Xiisada Boosaaso.

C/raxmaan Faroole, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in kulamo kala duwan oo xal raadin ah ay la yeesheen Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Isimada Puntland, Waxgaradka iyo Ganacsada, isla markaana ay doonayaan in xal laga qaado xiisada sababta xilka qaadista Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano.

Ugu dambeyn C/raxmaan Faroole, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in la ilaaliyo Nabadda iyo Xasilloonida Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, inta mar kale la isaga imaanayo, iyada oo maanka lagu haayo Nabadgalyada.

Hoos ka Akhriso Qoraalka lasoo saaray

AKHRI:-Madaxdii hore ee Puntland oo ka horyimid Go’aankii Isimada ee xal raadinta
To Top