Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Horumarinta Iskaashiga ee Dowladda Talyaaniga Luca Maestripieri.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday xoojinta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee Labada Dal, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Xukuumadda Soomaaliya.
Agaasimaha ayaa la wadaagay Wasiirka aragtiyo ku aaddan istaraatiijiyadda horumarineed ee Talyaaniga ee ku wajahan xoojinta xiriirka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha, isaga tilmaamay in booqashada uu ku yimid Soomaaliya ay muujineyso ahmiyadda Dowladda Talyaaniga uu u leeyahay iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga taageerada ay u fidiso Soomaaliya, waxa uu na hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leedahay Talyaaniga.