WARARKA SOOMAALI

Nooc cusub oo kamid ah COVID-19 oo soo baxay iyo Digniin laga soo saaray

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqay in uu soo baxay nooc cusub oo kamid ah coronavirus ah, kaasoo halis ku ah dunida kana sii qartarsan noocyada Karoonaha ee horay loo soo arkay, waxaana hay’adda u bixisay Omicron.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in jiritaan xanuunkan markii ugu horreysay laga soo sheegay Koonfur Afrika 24-kii Nofembar, ee sanadkan, sidokale dalalka Botswana, Belgium iyo Hong Kong ayaa la sheegayaa jiritaanka kiisaska xanuunkan.

Wadamo dhowr ah ayaa hadda go’aansaday in ay mamnuucaan ama xaddidaan socdaalka iyo dadka  imaanaya dhamaanba waddamada laga sheegay xanuunkan cusub.

WHO, ayaa Caalamka ugu digtay faafitaanka noocaan cusub ee qeeybta ka ah xanuunka Corona Virus, kaasi oo noqonaya Mowjaddii Afaraad ee Covid 19.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in la xannibi doono duullimaadyada ka imaanaya Waddamadda Koonfur Afrika, Botswana, Zimbabwe, Namibia, Lesotho, Eswatini, Mozambique iyo Malawi, wixii ka dambeeya maalinta isniinta ah ee soo socota.

Nooc cusub oo kamid ah COVID-19 oo soo baxay iyo Digniin laga soo saaray
To Top