WARARKA SOOMAALI

Kulan Deg-deg ah oo laga yeeshay Ammaanka Magaalada Muqdisho

Wasiirka Aminga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shir Guddoomiyay kulan looga hadlay Amniga Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Xarunta Taliska guud ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saaray xoojinta amniga Muqdisho iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Booliska dowladda ay ka sameeyeen degmooyinka Gobolka Banaadir, laguna soo qabtay boqolaal qof oo waday falal amni darro.

Wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in muhiim ay tahay xoojinta amniga Caasimadda dalka, isla markaana ka hortego falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca, kuwaasi oo qaarkood ay geystaan burcad hubeysan oo dadka ka qaata Telefoonada gacanta.

Wasiirka ayaa Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir ka dalbaday in lasii dardar-geliyo sugida amniga Magaalada, magaalada lagu jiro xili doorasho, wuxuuna horey Wasiirka u sheegay inay socdaan qorsheyaal lagu tayeynayo Ciidanka Booliska.

Ciidanka Booliska dowladda ayaa habeenadii lasoo dhaafay degmooyinka Gobolka ka waday howlgalo lagu soo qabtay boqolaal dhallinyaro oo ay ku jireen kuwo falal amni darro waday, sidoo kalena Ciidanka Booliska ay gacanta ku dhigeen waxyaabo qarxa.

Kulan Deg-deg ah oo laga yeeshay Ammaanka Magaalada Muqdisho
To Top