Hargeisa ( HM)-Waxaa maanta magaalada Gabiley kasoo Muuqday Dr. Cali Khaliif Galaydh Madaxwaynihii Maamulka Khaatumo iyo Gudoomiyaha Xisbiga ucid ee Soomaliland Faysal Cali Waraabe iyagoo kormeer ku maraya qaybo kamid ah Suuqyadaha iyo Xarumo kale oo ku yaala halkaasi.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxaa goobaha ay Booqdeen kamid ah Sariibada Hilibka, Suuqyada, Maktabada iyo Xarunta maamulka ee magaalada Gebiley.
Dad badan ayay lama filaan ku noqotay in Madaxwaynihii loo doortay maamulkii Khaatumo ee Heshiiska aan dhaqan gelin la galay maamulka Somaliland,in uu maanta kasoo Muuqdo isagoo kormeeraya Suuqa magaalada Gabiley, Halka aanu Booqan deegaanadii uu Masuuliyadda u qaaday, Islamarkaana aysan Jirin meel uu ku sheegay inuu Dhigay Masuuliyaddii uu u dhaartay.
Xigasho: Kalshaale.com