WARARKA SOOMAALI

6 Wiil Caawa lagu waayey Beledweyne kadib markii uu la jabay Geed ay ka koreen fatahaada.

Beledweyne (HM) – Lix wiil oo dhalinyaro ah ayay caawa biyaha wabigu ku qaadeen magaalada Beledweyne, kadib markii uu lasoo jabay Geed ay ka fuuleen fatahaada Wabiga,

Wiilashaas ayaa Geedka u fuulay cabsi ay ka qabeen in ay biyuhu qaadaan, maadaama aysan aqoon dabaal sida ay eheladoodu u sheegeen Caasimada Online.

Gurmad lagu baadi goobayo wiilasha ayaa hada ka socda inta u dhaxeyda magaalada iyo deegaanka Ceel Jaalle oo ay deegaameysteen inta badan dadkii magaalada ee ka qaxay fatahaadda Wabiga.

Dhacdadaan ayaa arga-gax ku noqotay dadka reer Beledweyne, waxaana la sheegay in 6da wiil ay qaar kood walaalo yihiin, walina nolol iyo geeri toona laguma haayo dhamaantood.

Dhacdadaan ayaa imaanaysa iyadoo wali lagu la’yahay biyaha Wabiga ku dhawaad 10 ruux oo ay saaka dooni kula degtay wabiga, xilli ay ka baxeen magaalada kuna sii jeedeen deegaanka Ceel Jaalle oo ay daganyihiin dadkii ka baxay magaalada.

Sidoo kale ku dhawaad 10 ruux ayaa saacadihii u dambeeyay ku geeriyooday fatahaadda uu Wabiga Shabeelle ka wado magaalada Beledweyne.

SOMALI NEWS

To Top