Waxaa jira maxaabiis badan oo si aan sharci ahayn meesha ugu xeran, qaarkood oo waqtiga dhameystay, kuwo dambi aanay lahayn madaxa loo geliyey iyo kuwo la iska xiray.
Guddiga la magacaabay ayaa soo kala caddeyn doona dadka dambiga leh iyo sidoo kale kuwa ku dulman meesha, waxaana la filayaa in dulmanayaasha ay bannaanka yimaadaan.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Guddigan ayaa isugu jira sharci yaqaanno, qubaro iyo sidoo kale culimo, waxaana looga golleeyahay in cadaalad ay helaan dadka la iska xukuman iyo kuwa isaga xiran xabsiga.
Maxaabiista oo lala sheekeystay waxay sheegeen iney ku haminayaan iney dib u helaan xorriyaddooda, islamarkaana ay bari ka noqdaan beenta lagu haysto.