WARARKA SOOMAALI

Go’aamo laga soo saaray Shir ka qabsoomay Magaalo ay ka dhaceysa Doorashada Golaha…

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Calo Diiriye (isxal) ayaa shir gudoomiyey Shirka Amniga Gobolka, kaasi lagu qabtey Xarunta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland.

Shirkaan ayaa Inta uu socday ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xaqijin lahaa Amniga  gobolka iyo sugidda Amniga Doraashada golaha Shacabka ee dhawaan ka dhici doonta Magaalada Gaalkacyo.

Shirkaan oo saacado badan qaaddtay ayaa ugu danbeystii laga soo saaray Awaamiir Cusub oo laalmahan Laga dhaqan galin doono degaanada Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan  Isxal oo ay garab tagan yihiin Guddomiye ku- xigeenada Maamulka gobolka Mudug iyo Kan degmada Gaalkacyo  Saraakiisha Ciidanka Booliska  daraawishata Galmudug ayaa Saaxafada uga waramay Go’aanada cusub ee laga soo saaray shirka Amniga Gobolka Mudug oo muddo labo maalin ah socday.

Shirka Amniga ee lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb galley Taliska Booliska Gobolka Mudug Saraakiisha ciidanka daraawishata iyo Maamulka degmada Gaalkacyo Galmudug.

Go’aamo laga soo saaray Shir ka qabsoomay Magaalo ay ka dhaceysa Doorashada Golaha…
To Top