WARARKA SOOMAALI

Yaa ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimo ee ka dhacday Dal ku yaalla Afrika?

Guddiga doorashooyinka dalka Gambiya ayaa sheegay in Adama Barrow ku guuleystay doorashadii dalkaas  ka dhacaday Sabtidi.

Guddiga ayaa sheegay in Barrow helay 53% codadkii la dhiibtay halka uu helay hogaamiyaha mucaaradka Osino  Darboe 27%.

Taageerayaasha Adama Barrow ayaa isagu soo baxay waddooyinka waaweyn ee dalkaas si ay ugu dabaal degaan guusha ay ka gaareen doorashooyinkii dhacay.

Mucaardka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheehay inay diidanyihiin natiijada la shaaciyay, waxeyna ku eedeyn dowladda  wax isaba marin iyo masuq maasuq .

Doorashadaan ayaa tijaabo u ah hannaanka dimuquraadiyada dalka Gabiya oo kasoo kabanayaa xukunkii kalitalisnimada ee Yahye Jaamac oo dalkaas xukumaayay in ka badan 20 sano.

Yaa ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimo ee ka dhacday Dal ku yaalla Afrika?
To Top