WARARKA SOOMAALI

Xukun dil toogasho ah oo lagu fuliyey Askari dilay Taliye ka tirsan NISA & Walaashiis

Magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta waxaa lagu qisaasay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo dhawaan halkaas ku dilay Allaha u Naxariistee Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis  Xaawo Cumar Geelle.

Goobta lagu fulinayay xukunka oo ahayd bartamaha Caabudwaaq ayaa waxaa ku sugnaa, Ehelada Marxuumiinta, Maamulka Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda Galmudug ayaa dhawaan xukun dil ah ku ridday Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere), kadib markii lagu helay in dil bareer ah uu bartamaha degmada Caabudwaaq ugu geystay Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.

Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo maanta dilka lagu fuliyey ayaa hore uga tirsanaa qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Degmada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa ka mid ah magaalooyinka hoostaga dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo ay qaarkood geystaan maleeshiyaad hubeysan.

Xukun dil toogasho ah oo lagu fuliyey Askari dilay Taliye ka tirsan NISA & Walaashiis
To Top