WARARKA SOOMAALI

Xujey ay ku jirto Soomaali oo Kuleyl dartiis u geeriyooday

Magaalada Makah ee Dalka Sucuudiga oo ay ku sugan yihiin ku dhawaad 2 milyan muslimiin ah oo gudanayay acmaasha Xajka ayaa la soo sheegayaa inay qaarkood u geeriyoodeen kuleylka daran ee dalkaasi ka jira.

Sida BBc-du sheegtay Ugu yaraan 14-qof oo u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay kuleyl xooggan oo ka dhacay dalka Sacuudiga halka kuwa kalana la la’yahay oo baadi goobkooda lagu jiro.

Maasuuliyiinta dalka Urdun ayaa xaqiijiyay dhimashada 14-kaasi ruux iyo 17 kale oo la waayay meel ay cirib iyo jaan dhigeen xili ay ku guda jireen acmaasha Xajka.

Sidoo kale 5 ruux oo u dhashay dalka Iiraan ayaa iyagana ku dhintay Xajka walow aaney Dowladoodu faahfaahin sababta dhimshadooda inuu kuleylka yahay iyo in xanuuno kale ay jiran.

Dhinaca kale waxaa jira illaa saddex qof oo Soomaali ah oo iyaguna ku geeriyooday Magaalada Makah ee Dalka Sucuudiga, kuwaasi oo kamid ahaa Xujeyda sanadkaan gudaneysay acmaasha Xajka

Xujey ay ku jirto Soomaali oo Kuleyl dartiis u geeriyooday
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

To Top