WARARKA SOOMAALI

Xubno ka tirsan AS kana soo cararay furimaha Dagaalka oo lagu qabtay Muqdisho

Maamaulka Gobolka Baanadir ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka soo cararay furimaha dagaalka, kuwaasi oo doonaayay inay falal amini daro ka geystaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho

Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabsey ayaa tilmaamtay in dagmada Wartanabada ay ka bilaabeen howlgallo roonto da ah oo ay ku marayaan xafadaha dagmada,

Waxaa ay sheegtay Guddoomiye Seynab Xaabsey in ay howlgalladaasi laga fuliyay xaafadaha degmada ku soo qabqabteen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo si dhuumaalaysi ah uso galay Wartanabadda.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay sidoo kale ku raad joogaan Xubno kale oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo laamaha Amniga xog ku heleen inay soo galeen magaalada, iyada oo Shacabka ugu baaqday inay la Shaqeeyaan laamaha Amniga Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmahaan waday howlgallo iyo kormeer ay masuuliyiinta maamulka ku marayeen qeybaha kala duwan ee dagmooyinka gobolka Banaadir

Xubno ka tirsan AS kana soo cararay furimaha Dagaalka oo lagu qabtay Muqdisho
To Top