WARARKA SOOMAALI

Xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka oo Maanta xal raadin u tegaya Baydhabo

Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa lagu wadaa in Xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay tagaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu yiri” Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa xubno ka mid ah Guddiga u diraya Maanta oo taariikhdu tahay 13.04.2022 Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Si xal looga gaaro tabashada Maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis laftagareen & Odayaasha Dhaqanka Magaalada si Maamulka Koonfur Galbeed u soo fasaxaan Xildhibaannada dooran si ay u qaataan Shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaannimo.

Xildhibaannada laga soo doortay degaannada Koonfur Galbeed ayaa marka laga reebo Saddex Xildhibaan aysan weli qaadan wax shahaado ah, iyaga oo ka gadoodsan Saddex Kursi oo Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay hakiyeen kadib markii la doortay.

Maalinta Khamiista oo berito ah ayaa qorshuhu yahay in teendhada afisiyooni ee Magaalada Muqdisho lagu dhaariyo Xildhibaannada Shahaadada la siiyay hadii aan wax isbedelin.

Xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka oo Maanta xal raadin u tegaya Baydhabo
To Top