WARARKA SOOMAALI

Xubin kamid ah Guddiga Doorashooyinka la Qarxiyey iyo faah faahin laga helay

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo dhowr iyo toban daqiiqo kahor ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho oo gaaray Askar ilaalo aheyd.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo uu saarnaa xubin kamid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo lagu magacaabo Mahad Cumar Cabdi oo maalmahan joogay Jowhar.

Dad ayaa waxaa ay ku soo warrameen in qaraxaas Eng. Mahad Cumar gaariga uu saarnaa ku qabsaday, inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Garoonka diyaaradaha Magaaladaas, xili uu socdaal ku marayey, kana yimid dhanka Magaalada.

Inta la xaqiijiyay laba Askari oo ilaalo u aheyd Mahad Cumar Cabdi oo ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ku dhintay qaraxaas, waxaana ka badbaaday qaraxa Eng Mahad Cumar, kaasi oo safar u soo ahaa Magaalada Muqdisho, xiligii la qarxinayey.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa durbo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana halkaas kasoo qaaday Meydka labada Askari ee geeriyootay, sidoo kalena goobta laga kexeeyay gaariga la qarxiyey oo qeyb kamid ah burbur gaaray.

Xubin kamid ah Guddiga Doorashooyinka la Qarxiyey iyo faah faahin laga helay
To Top