WARARKA SOOMAALI

Xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda, xilli uu…

Maxamed Nuur Xasan oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa isku dhiibay Ciidanka Daraawiishta Gdowlad Goboleedka almudug ee ka howlgala degmada Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Maxamed Nuur oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inuu Al-shabaab kaga soo biiray Jubbada hoose 2020-kii, haatann uu iska soo dhiibay degaanka Qeycad ee Gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay inuu markii hore ahaa turjumaan iyo keyd haye, ugu dambayna uu ka mid noqday malleeshiyaadka dagaallama kadib tababar uu kusoo qaatay Jubbooyinka.

Maxamed Nuur ayaa intaa ku daray inuu kasoo dagaallamay Shabeellada dhexe iyo goobo ka mid ah gobolka Mudug, dhibaatooyin badanna uu kala kulmay intii uu ka tirsanaa Al-shabaab.

Xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda, xilli uu…
To Top