WARARKA SOOMAALI

Xogtii ugu danbeeysay ee Shirka Somalia iyo Itoobiya ee ka socda Ankara

Warara laga helaayo Magaalada Ankara ee Dalka Turkey ayaa sheegaya in shirkii lagu dhex dhexaadinayay dowladdaha Somalia iyo Itoobiya uu marayo meel xasaasi ah, xili uu galay maalintii labaad, kadib markii dhinacyada ay dhexmareyso dood adag.

Wufuuda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sida la tilmaamay  isku haayo qaabka ay Itoobiya uga laabaneyso heshiiskii ay bilowgii sanadkaan la gashay Maamulka Somaliland ee MOU-ga oo Madaxweynaha Maamulkaasi ugu saxiixay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Bada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la isku hayaa qaabka loo dhigayo baahida Itoobiya ee ay ku heleyso dekad ay badeecadaha kala soo degto taasoo awalba Dowlada Somalia ogoleyd sida Caalamku sharciyan wax ku kala qaato, tusaale sida Itoobiya hadaba Jabuuti wax uga soo degsato oo ah sifo Dowlada Somalia ogoshahay.

Dhinaca kale Turkiga ayaa ku wargeliyey wufuudaha Somalia iyo Damac doonka Itoobiya inay qolo kasta afkeeda ku goosato, dooddeedana ku meel marsato rabitaankooda, iyaguna ay isu daynayaan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qol la isugu geeyey dhinacyaadda, xubnaha wada hadalada dhanka Somalia ugu jira ayaa qaarkood la sheegay inay xidhiidh hoose Itoobiya la sameysteen bishii 9aad ee 2023dii.

 

Xogtii ugu danbeeysay ee Shirka Somalia iyo Itoobiya ee ka socda Ankara
To Top