Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa safar qarsoodi ah ku tagay dalka Jabuuti, oo uu kulan gaar ah kula yeeshay sida aan ogaanay Madaxweynaha dowladdaasi Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo labadii Bil ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa gelinkii dambe ee shalay oo jimco aheyd u ambabaxay dalka Jabuuti, safarkiisa uu ahaa mid aan la shaacin.
Kulan xalay dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Geelle ayaa looga wada hadlay laba qodob oo kala ah dagaalka Al-Shabaab dowladu kula jirto iyo arimo ku saabsan sidii dib loogu dhigi lahaa qorshihii bixitaanka Ciidamada ATMIS.
Madaxweyne Xasan waxaa la sheegay inuu Madaxxweynaha Jabuuti ugu tagay sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen Midowga Afrika in mudo saddex bilood ah dib loo dhigo qorshaha wajiga koowaad ee dhimista ciidamada ATMIS, madaama Dagaala Alshabaa uu sii xoogeystay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in ciidamadaas ay sii joogaan dalka, ciidankaan oo gacanta ku haya garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ayaa ah kuwo si weyn looga jecelyahay deegaanka ay ka howlgalaan.
Villa Somalia Ayaan weli wax war ah kasoo saarin safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ugu ambabaxay dalka Jabuuti iyo kulanka dhexmaray labada Madaxweyne, Xasan Sheekh ayaa saldhigtay Dhuusamareeb oo 49 cisho ku sugnaa.