WARARKA SOOMAALI

Xogta Burcadeed Soomaali ah oo la qabtay xilli ay Weerareen Markab Shidaal

Lix ruux oo ahaa burcad-badeed Soomaali ah ayaa weerar ku qaaday Markab shidaal oo sitay calanka Jasiiradaha Marshall, kaasi oo uu weerarka ku qabsaday xilli uu ku socdaalayay gacanka cadmeed.

Burcadaan ayaa wadatay qoryo waaweyn oo u saarnaa doon nooca dheereeya, waxaana qabtay ciidanka badda ee Midowga Yurub, isla markaana sida la tilmaamay xabsiga dhexe burcad badeeda weerartay markabka oo lagu magacaabo Chrystal Arctic.

Sida laga soo xigtay Xarunta howlgallada ganacsiga Marin-biyoodka UK, oo korjoogteysa marinnada markabka ee bariga, Burcada ayaa marka hore rasaas dhowr ah ku furay markabka shidaalka oo ay saarnaayeen ciidamo hubeysan,

Intaas kadib ciidanka la socday markabka ayaa iyaguna rasaas ay ku fureen doonta burcada ku dhacday fuusto shidaal ah oo saarneyd doonta, taasi oo qaraxday, isla markaana uu sababay inay doonta gubato, ay dhaawacmeen raggii weerarka ku qaaday markabka.

Si kastaba, ha’ahaatee Weerarrada badda ee muddooyinkaan socday ayaa hoos u dhigay isu gudubka ganacsiyada ee marin-biyoodkan muhiimka ah ilaa Kanaalka Suweys iyo Badda Mediterranean-ka.

Xogta Burcadeed Soomaali ah oo la qabtay xilli ay Weerareen Markab Shidaal
To Top