WARARKA SOOMAALI

XOG: Kulamadii MW Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo wax Natiijo ah kasoo bixin

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo maalmo qaatay ku yeeshay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in kulamada Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo ahaa kuwo albaabada u xirnaayeen aab wax natiijo ah oo la taaban karo kasoo bixin, isla markaana lagu kala tagay.

Qoraal Madaxtooyada Soomaaliya kasoo baxay ayaa lagu sheegay in kulamada Garoowe ka dhacay ay labada Madaxweyne ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulamada ayaa la xusay in kaliya ay ahaayeen kuwo si gaar ah u dhexmarayay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, isla markaana laga reebay dhammaan Wasiiradii la socday Madaxweyne Xasan Sheekh & Wasiirada Puntland.

Madaxweyne ee Xasan Sheekh Maxamuud & Saciid Cabdullaahi Deni ayaan soo bandhigin wax ajando ah oo ku saabsan kulamadoodii, maadaama aysan jirin khilaaf xilligaan ka dhex-jiray dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedka Puntland.

Marka laga so tago kulamadii ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Madaxweynaha Puntland Sacdiid Cabdullaahi Deni ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in Puntland ay ka aqbashay Madaxweyne Xassan, in ay martigaliso shir wada-hadal oo ay iskugu imaanayaan Madaxda dawladda Faderaalka & Dawlad gobaleedyada.

XOG: Kulamadii MW Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo wax Natiijo ah kasoo bixin
To Top