WARARKA SOOMAALI

Xog: Deni oo Lafta-gareen u caddeeyay cidda ay u xayiran yihiin saddexda kursi ee K/Galbeed

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu wacay Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, wuxuuna u sheegay inuusan Muuse Geelle iyo Puntland aysan ku xeernayn Xildhibaanadiisa saddexda ah ee la hakiyey.

Madaxweyne Deni ayaa Lafta-gareen u caddeeyay in arrinta hakinta kuraasta ay iyaga ka madax banaan tahay, qofka ku taagan na uu yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Wararka ayaa intaas ku daraya in Deni aad isugu dayey inuu ku qanciyo warkaas Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin inuu warkaas ku qancay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo in kale.

Madaxweynr Siciid Deni oo mushrax Madaxweyne ah, ayaa doonaya inuu xod xodto Xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed, sidoo kale uu ka faa’ideysto kansho ay dayaceen Musharaxiinta mucaaridka ah.

Madaxweyne Lafta-gareen oo maalmo kahor ka hadlaayay kulan ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu sheegay in Muuse Geelle u xaqiijiyey inaysan isaga u xayirnayn saddexda kursi ee Guddiga hakiyeen.

Xog: Deni oo Lafta-gareen u caddeeyay cidda ay u xayiran yihiin saddexda kursi ee K/Galbeed
To Top