WARARKA SOOMAALI

Xisbiga Farmaajo oo shaaciyay in Cali Yare Cali uu ka baxay Nabad iyo Nolol

Afhayeenka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa shaaciyay in Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo kamid ahaa xisbiga Nabad iyo Nolol uu si iskiis ah u go’aansaday in uu ka baxo xisbiga.

War-saxaafadeed uu soo saaray Cabdirashiid Xaashi ayuu ku sheegay in Cali Yare oo mar soo noqday Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir uu doortay inuu la shaqeeyo dhinacyo kale oo siyaasadeed.

“Sidaas darteed waxaan cid walba u xaqiijinaynaa in afkaarta uu la wadaago dadweynaha ay yihiin kuwo isaga u gaar ah oo wixii hada ka danbeeya aysan ahayn fikrado lagu matalo Nabad iyo Nolol” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Nabad iyo Nolol.

Hoggaamiyaha Nabad iyo Nolol Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u mahadceliyay dhammaan taageerayaasha Nabad iyo Nolol oo marwalba heegan u ah in ay adkeeyaan mabaadida aan u taaganahay ee ay ugu horayso wadaniyadda.

Hoos ka Akhriso Qoraalka 

Xisbiga Farmaajo oo shaaciyay in Cali Yare Cali uu ka baxay Nabad iyo Nolol
To Top