WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada labada Aqal oo Maanta kulankii ugu horreeyay ku leh Muqdisho

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah kulankii ugu horreeyay ku yeelanaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii khamiistii 14-ka April la dhaariyey Mudanayaasha cusub.

Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ayaa xalay loo diray farriin Wargelin ah oo ku aadan in Maanta uu jiro kulanka ugu horreeya Golaha , isla markaana Xildhibaanada looga baahan yahay inta la dhaariyey inay soo xaadiraan kulankaas oo ah midka koowaad.

Ajedaha kulanka ayaa waxaa uu noqon doonaa Warbixin guud oo ku aadan howlaha horyaalla Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka iyo qorshaha diyaarinta doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa isla Maanta kulankii ugu horreeyay yeelanaya Sentorada Aqalka Sare, waxaana ajendaha kulankaas oo uu yahay Warbixinta Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha, taasi oo ku aadan howlaha horyaalla Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Senatorada Aqalka Sare ee la dhaariyey khamiista ayaa kulanka loogu qeybin doonaa habraaca doorashada Guddoonka Golaha iyo tan Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda, sida uu shaaciyay Xoghayaha Baarlamaankii 10-aad ee Aqalka Sare

Xildhibaanada labada Aqal oo Maanta kulankii ugu horreeyay ku leh Muqdisho
To Top