WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada labada Aqal oo Maanta kulan Wadajir ah ku yeelanaya Muqdisho

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in kulan xasaasi ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Caasimadda ee Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa uu yahay doorashada xubnaha Guddiga isku dhafka labada Aqal Baarlamaanka 11-aad ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha 1-0aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuw Aqalka Sare ayaa waxaa xalay loo diray farriimo Wargelin ah oo ku aadan in Maanta ay kasoo qeyb galaan kulanka wadajirka ah ee Golaha ka qabsoomaya Xarunta Villa Hargeysa.

Kulankaan ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah u furmo, isla markaana waxaa shir Guddoomin doona Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo garab fadhinayaan ku-xigeenadiisa.

Xildhibaanada labada Aqal oo Maanta kulan Wadajir ah ku yeelanaya Muqdisho
To Top