WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan yeelanaya iyo Ajendaha

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa lagu wadaa in Maalintii labaad oo xiriir ah ay Maanta Xarunta Villa Hargeysa Muqdisho ku yeeshaan mid kamid ah kulmada xasaasiga ah ee Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay hadal jeedinta murashaxiinta u tartamaya Xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaannada xalay loo diray farriimo lagu ogeeysiinayay in Maanta kulanka uu jiro.

Shalay Kulankii Golaha Shacabka ayaa waxaa khudbadahooda musharraxnimo jeediyay musharrixiinta  Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ilaa todobo gaaraya, kuwaas oo mid kasta uu soo Bandhigay waxa uu qaban doono hadii uu guuleysto.

27 Bishaan oo ku beegan Arbacada todobaadkaan ayaa la filayaa in la qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen, waxaana kasii horeeya oo 26 Bishaan la qabanayaa doorashada Guddoomiyaha Aqaka Sare iyo labadiisa kuxigeen.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan yeelanaya iyo Ajendaha
To Top