WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta ansixiyay hindise sharciyeedyo

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka ‘Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga, kadib markii Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho

Xildhibaanada Golaha ayaa dood dheer kadib, ansixiyay sharciga, waxaana sharcigaan u codeeyey 145 Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa ka aamustay, wax diidayna ma jirin, sida ay ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Sacdiyo Samatar.

Sidoo kale Ajendaha kulanka ayaa waxaa ku jiray marsiinta akhrinta 3-aad, u codeynta hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadweynaha iyo ajendaha qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah, kuwaas oo maalmaha soo socda ay ka doodi doonaan inta aan la xirin kal-fadhiga labaad ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta ansixiyay hindise sharciyeedyo
To Top