WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan ka yeelanaya Codsi uu wato RW Xamse

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah kulan gaar ah ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ajendihiisu yahay Codsi iga yimid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre oo Golaha hortegaya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Xildhibaanada Golaha ka codsan doona in loo sameeyo waqti kordhin uu ku doonayo inuu kusoo dhigo  Xukuumad cusub oo tayo  ah, isla markaana uu haatan ku howlan yahay wadatashiyo uu sameeynayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu dalbado in 10 cisho oo dheeraad la siiyo oo uu ku soo dhiso Golihiisa Wasiirada, maadaama maalinta ay ku egtahay 30 cisho oo ahaa muddada uu u heystay inuu Gole Wasiiro ku soo dhiso.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan ka yeelanaya Codsi uu wato RW Xamse
To Top