WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Ansixiyay sharciga hay’adda NISA

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana uu ajendihiisu ahaa ansixinta hindise sharciyeedka Hey’adda NISA.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa horey dood adag iyo laba akhrin u marsiiyay sharacigaan hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, iyagoona ugu danbeyn maanta ansixiyay sharcigaas.

Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sharcigan soo marsiisay Golaha Wasiirada Soomaaliya, iyadoona loo gudbiyay usoo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka.

Codeyn loo qaaday Sharciga Nabad sugida natiijada ayaa noqotay:-

144-Xildhibaan ayaa ogolaatay Sharciga Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka,3-Xildhibaan ayaa ka aamustay ansixinta, 1-Xildhibaan ayaa diiday.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Ansixiyay sharciga hay’adda NISA
To Top