WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo Telefoonka kula hadlay Madaxda Turkiga, Jabuuti & Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan, Amiirka dalka Qatar Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Madaxda hambalyo ku aaddan Ciidda barakaysan ee Carafa, iyagoo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed horumar iyo sannado barwaaqo ah, waxayna muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Turkiga, Qatar iyo Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay ugu hambalyeeyeen Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda Carafa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu tilmaamay dadaalka ay dowladdu gelinayso kobcinta xiriirka ay la leedahay dalalka walaalaha ah ee soo garab istaagay xilliyada adkaa.

Xasan Sheekh oo Telefoonka kula hadlay Madaxda Turkiga, Jabuuti & Qatar
To Top