WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo lala wadaagay Qorsheyaal cusub oo lagula dagaalami karo AS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay hogaannada taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorshaha la dagaalanka Al-Shabaab.

Hogaannada taliska CXDS ayaa la wadaagay Madaxweynaha qorsheyaal muddo kooban Shabaab dalka looga saari karo, iyaga oo adkeeyay sida naf-hurnimada leh ee ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin difaaca qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay qorshe cad ka leedahay dhammeystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda, waxa uuna saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda si loo guuleysto.

Kualnka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo lala wadaagay Qorsheyaal cusub oo lagula dagaalami karo AS
To Top