WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo la kulmay Ergeyga cusub ee QM (Maxay ka wada hadleen)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay dalka Marwo Catriona Laing.

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh iyo Danjire  Catriona Laing ayaa ka wadahadlay dardargelinta howlaha muhiimka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay uu ka taageero dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dadaallada dowladdu ku bixinayso dhinacyada la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay si wax looga qabto caqabadaha bini’aadannimo ee ka jira goobaha laga saaray Al-Shabaab.

Dhankeeda, Ambasadoor Catriona Laing ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelisay soo dhaweynta diirran ay kala kulantay, iyadoo bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka qawaarijta looga xoreynayo dalka.

Marwo Catriona Laing ayaa tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu xoogga saari-doono adkeynta wada-shaqeynta, sare u qaadidda taaageerada amniga, siyaasadda iyo gargaarka.

Xasan Sheekh oo la kulmay Ergeyga cusub ee QM (Maxay ka wada hadleen)
To Top