WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ganacsado maalgashi ku sameynaya dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay ganacsato iyo madaxda Bankiga Ziraat oo maalgashi ku sameynaya dalka.

Ganacsatada Turkiga ayaa sheegay in ay dhawaan xarigga laga jari-doono Bangiga Ziraat oo ay ka hirgeliyeen Caasimadda Muqdisho, arrinkaas oo xoojinaya isku xirnaanta ganacsatada labada dal iyo kalsooni-gelinta maalgashadeyaasha dibadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ka hadlaayay ayaa sheegay in fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya  iyo qorsheyaasha ay dowladdu ku dhiirri-gelinayso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Turkigu ay safka hore kaga jiraan saaxiibbada iyo walaalaha ay ku kalsoon yihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ganacsado maalgashi ku sameynaya dalka
To Top