WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska qaraabada, iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Marxuum Maxamuud Maxamed Nuur.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Maxamuud Maxamed Nuur uu u soo adeegay qaranka Soomaaliyeed, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo heer qaran, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gudoomiyahii Bankiga Horumarinta Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhaxe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe
To Top