WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo ka dhoofay Muqdisho, xilli Qaraxyo musiibo ah ka dhaceen Soobe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda dalka Aljeeriya ee Caasimadda dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa kusii hakaday magaalada Khartuum ee dalka Suudaan, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka  Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu Maanta gaaro Aljeeriya, waxaana ujeedkiisa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta oo ka furmaya Aljeeriya.

Xasan Sheekh ayaa dalka ka dhoofay, xilli qaraxyo aad u xooggan ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, isla markaana dad farabadan dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen, sidoo kalena uu socdo gurmad xooggan oo loo sameeynayo dadkii waxyeelada gaartay.

Isbitaalada waaweyn ee Muqdisho ayaa waxaa ka socda gurmadyo ay wadaan dad u badan dhallinyaro, kuwaasi oo dhiig u shubaya dadka dhaawacan ee xaaladdooda Caafimaad lagu dabiibayo isbitaalada.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii ka dhacay isgoyska Soobe, halka 400 oo qof kalena ay ku dhaawacmen, Safarka Madaxweynaha uu ugu baxay Aljeeriya ayaa lagu dhaliilay, waxaana dadka fallanqeya siyaasadda dalka ay sheegeen in Xasan Sheekh uu mas’uuliyad iska saarin wax ka qabashada dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii dhacay.

Xasan Sheekh oo ka dhoofay Muqdisho, xilli Qaraxyo musiibo ah ka dhaceen Soobe
To Top