WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo cabsi Amni darted u geli waayay Magaalada Jowhar

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gudaha Garoonka diyaaradaha Jowhar ee Maxamed Dheere kulan gaar ah ula qaatay Madaxweyne Cali Guudlaawe, iyaga oo ka wada hadlay dardar-gelinta wejiga labaad ee howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Guudlaawe ayaa ka wada arrinsaday sidii loo xalin lahaa khilaafka ka taagan maamulka Gobolka Hiiraan iyo joojinta dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa maanta gudaha u gelin magaalada Jowhar, sababo la xiriira burburka wadada xiriirisa garoonka iyo madaxtooyada Hirshabelle, amni daro ka jirta wadadaasi oo qaraxyo mararka qaar la galiyo iyo biyaha wabiga oo xiliyada roobka ay xiraan wadada.

Si kastaba amni xumada ka jirta magaalada Jowhar ayaa gaaray heerkii ugu xumaa, waxaana taasi ay keentay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo socdaal ku tagay magaaladaasi oo gudaha u geli waayo Jowhar.

Xasan Sheekh oo cabsi Amni darted u geli waayay Magaalada Jowhar
To Top