WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo War kasoo saaray Dagaalkii ka dhacay Garoowe

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey dadkii shacabka ahaa ee ku naf-waayay dagaalkii ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad-goboleedka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku celiyey baaqiisa ku aaddanaa in la tixgeliyo rabitaanka dadwenaha, lagana fogaado in xalka lagu raadiyo qori iyo rasaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xamili karin colaad cusub oo laga huriyo deegaannadii ku tilmaamnaa nabadda iyo xasilloonida, xilli dowladdu ay la tacaaleyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo nabadeynta deegaannada ay horey u saameeyeen dagaallada sokeeye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay odeyaasha dhaqanka Puntland in ay u istaagaan xallinta dhibaatada taagan, maadaama ay aas-aas u yihiin dowladnimada iyo xasilloonida Puntland, Waxa uuna sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar la  tahay waxii looga baahdo ee fududeynaya nabadenyta iyo xallinta khilaafka ka taagan Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna ka hadlay dagaalka khasaaraha badan dhaliyay ee magaalada Garoowe ku dhexmaray ciidanka ammaanka Puntland iyo ciidanka taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.

“Waxaan ku kalsoonahay garashada iyo aqoonta dadka Puntland, oo aan ka rajaynayo in ay si deg-deg ah ugu istaagaan daminta dhawaaqa rasaasta, soo celinta amniga iyo adkeynta dowladnimada. Alle waxaan naxariistiisa u weydiinayaa dadkeenna birmo-geydada ah ee ku geeriyooday dagaalka maanta, aniga oo caafimaad degdeg ah u rajaynaya intii ay waxyeelladu ka soo gaartay” ayuu yiri Maxamed Farmaajo.

Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo War kasoo saaray Dagaalkii ka dhacay Garoowe
To Top