WARARKA SOOMAALI

Weerarkii dad lagu dilay oo ka dhacay Mareykanka & Biden oo Amar bixiyey

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa waxa uu maanta oo Khamiis ah soo saaray Amar uu ku faray in hoos loo dhigo Calanka dalkaasi ee ka dul babanayo Dhismaha Aqalka Cad iyo guud ahaan Dhismayaasha Dowladda, sababo la xiriiray weerarkii lagu dilay ugu yaraan 16 qof oo ka dhacay Gobalka Maine ee dalkaasi.

Biden waxa uu sheegay in Tallaabada Calanka Maraykanka hoos loo dhigay calaamad u tahay xushmeynta Dhibanayaasha lagu dilay Falkii colaadeed ee maanta ka dhacay magaalladda Yar ee Lewiston oo 50 KM ama 30 miles dhanka Waqooyi kaga magaalladda Portland oo ah magaalladda ugu weyn guud ahaan Gobalka Maine ee dalkaasi.

Si kastaba, Toogashadaasi ayaa ah dil-wadareedkii dadka badan lagu laayey ee  sanadkan ka dhacday dalka Maraykanka.

Weerarkii dad lagu dilay oo ka dhacay Mareykanka & Biden oo Amar bixiyey
To Top