WARARKA SOOMAALI

Weerar loo adeegsaday Tooreey oo ka dhacay Faransiiska & khasaaro ka dhashay

Ugu yaraan 6 qof ayaa lagu dhaawacay Weerar Tooreey (A stabbing attack) oo goor hore Maanta ka dhacay Saldhig Tareenada laga raaco ee The Gare du Nord Station oo ku yaalla Bartamaha Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Qoraal uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Gerald Darmani soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Eedeysanihii weerarka geystay ay Boliska degdeg u dileen.

Wasiirka ayaa waxa uu ku bogaadiyey Saraakiisha Boliska sida Geesinimada leh ee ay uga fal-celiyeen Falkaasi.

Sida laga soo xigtay Telefishinka BFTV, 6 qof ayuu dhaawacay Fudud ka soo gaaray weerarkaasi, kuwaasi oo daryeel Caafimaad loo fidiyey.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixinin Haybta iyo magaca Ninka weerarka geystay oo la sheegay inuu Luqada Carabiga ku hadlayey.

Weerar loo adeegsaday Tooreey oo ka dhacay Faransiiska & khasaaro ka dhashay
To Top