WARARKA SOOMAALI

Weerar lagu qaaday Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle & Mas’uuliyiin kale

Ciidamo ka tirsan kuwa Kummaandooska DANAB ee dowladda Federaalka ayaa gabaldhicii galabta waxa ay weerar ku qaadeen kolonyo galbineysay Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.

Weerarka oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa ciidanka galbinayay Guddoomiye Luqmaan oo ahaa kuwa ilaalada Madaxyootada Hirshabeelle uu weerarkaasi ku qabsaday meel ku dhow Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inuu ka xun yahay weerarkii ay Maanta ciidanka DANAB kusoo qaadeen kolonyo isaga galbineysay, xilli uu kusii jeeday magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in lagu soo furay rasaas xooggan oo dhalisay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ah oo soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada Maxtooyada iyo Xildhibaano la socday Guddoomiyaha oo safarka ku wehlinaayay.

“Waa dhacdo uurkutaalo ah anigoo ku hadlaya magaca Hirshabele waan ka xunahay in ciidamadii ilaalada noo ahaa ay rasaas nagu soo ridaan.”ayuu yiri Guddoomiye Luqmaan. “Qaar kamid ah xildhibaanadii Baarlamaanka ee ila socday ayaa ku dhaawacmay weerarkan halka ilaalada qaar kamid ahna ay dhinteen,waxaan jawaab ka sugeynaa Xukuumada Federaalka.”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Shalay ayey aheyd marii israsaaseyn ay gudaha magaalada Jowhar ku dhexmartay ciidanka DANAB iyo kuwa Milateri ah, waxaana falkaasi ka dhashay khasaaro, iyadoona ay ku naf-waayen laba qof oo mid Askari ka tirsan DANAB uu ahaa, halka qof kalena shacab uu ahaa.

Weerar lagu qaaday Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle & Mas’uuliyiin kale
To Top