WARARKA SOOMAALI

Weerar khasaaro dhaliyey oo Maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee Drone ku weeraray garoonka diyaardaha Abha ee dalka Sacuudiga, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro kala duwan.

War kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in diyaarada Drone-ka ee lagu soo weeraray garoonka diyaaradaha Abha uu dhexda ka qabtay barnaamijkooda difaaca hawada, balse ay jiraan firarka diyaarada oo garoonka gaartay.

Inta la xaqiijiyay 12 qof ayaa ku dhaawacay firirka diyaarad Drone ah ee lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee Abha,waxaana dadka dhaawacmay isugu jiraan qaar kamid ah shaqaalaha garoonka iyo dad kale oo safar ahaa oo meelo kala duwan ka kala yimid.

Shaqada garoonka diyaaradaha ayaa hakad galay saacado kadib markii weerarka bilowday, waxaana war kasoo baxay Sacuudiga lagu sheegay in shaqada garoonka si caadi ah kusoo laabatay ayna xaaladu hada tahay mid xasiloon.

Weerar khasaaro dhaliyey oo Maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Sacuudiga
To Top